Learn English with English, baby!

Join for FREE!

Social_nav_masthead_logged_in

Find Friends

wiilbulsho

wiilbulsho

hi all iam somali man I say when i open my eyes i see alot of thinks when i close my eyes i see only your face

wiilbulsho's Friends (5)

Delnia_waisy
Norway

vera7

vera7
China

Ceciliaの76

Ceciliaの76
China

likwaiting

likwaiting
China

wiilbulsho

wiilbulsho
Somalia

View all friends >

My Photos

View all photos >

wiilbulsho's Blog

Subscribe to my RSS

May 25, 2009

Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas ka mugweyn.
Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada  Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya  isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda  Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa:
Dawladda maraykanka oo 15-kii sano ee u danbeeyay dagaal kula jirtey kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ayaa waxaa u muuqdey fursad ay wax kaga badali karto jawiga siyaasadeed, maadaama koonfurta Soomaaliya ay ku xoogbadan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah isla markaasna ay yihiin kuwo kala afkaar duwan una qaybsan Salafi, Takfiir, Aala-Shiikh, Suufi, iyo Islaax in ay mid kamid ah  loo bixiyo qunyar  socod, la soo dhaweeyo, la buun buuniyo isla markaasna xukunka loo dhiibo lana taageero, si ay dhexdooda u dagaalamaan isla markaasna aysan u xeerin xeer islaam mid sokeeye iyo mid dhaqan, dagaalkaas waxaa ka dhalan kara:

- In midba midka kale diinta ka saaro
- In dhiigoodu isu xalaaloobo
- In Shacabkii laga shaki geliyo diintooda kadib sida ay culimadu yeelayso
- In Sharaf dhac uu ku yimaado magaca wadaadada, halkasna ay ku bur burto dacwadii ay wadeen maadaama waxkasta oo ay xaaraamayn jireen ay xalaashadeen
- Shacabka oo kala kulma dagaaladaas Barakac aan horey loo arag, dhimasho joogta, kadibna ay ku xanbaarto nacayba ay u qabaan wadaadada.

Arinta kale oo lagu macneyn karo waa in beesha caalamku dhibsatey qadiyada Soomaalida ee 19 sano taagan isla markaasna ay u muuqatey in Cabdullaahi Yusuf aanu waxba ka bedeli karin xaajada taagan ee loo baahan yahay nin ka soo jeeda Beelaha Koonfur in loo dhiibo xilka Gobolada dalka intooda kale sida Puntland iyo Somaliland waa meelo degan oo si sahal ah ay u midoobi karaan koonfurta iyaga oo qolo walba maamulkooda u madaxbanaan yihiin.
Labada arimood midkey doonto ha noqotee qadiyada kowaad waxa ay u leedahay Dawladda Maraykanka faa’iidooyin aan la soo koobi karin, waxaana meeshaan ka soo baxaya taladii dalwadda Ingiriiska ee ahayd in aan toos loola dagaalamin ee la yareeyo waxa keeni Asalraacnimada.
Sidey doontaba ha noqotee Cabdullaahi Yusuf Axmed xilkii waa baneeyay sida beesha caalamku ka codsatey, waxaa Madaxweyne loo doortey Hogaamiyihii hore ee Mucaaradka Shiikh Shariif Axmed.
Shariif Shiikh Axmed waaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soomara Soomaaliya, uguna khibrada yaraa, maanta waxa uu ku jiraa xaladii uu ku jirey Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf Axmed markii uu Baydhabo joogey Nofeembar – Diseembar 2006, markaas oo kooxaha Islaamiyiinta iyo waxa ay cagaha ku qaataan ee beelaha Koonfurta ay dhanwalba ka soo galeen xaruntii Dawladda iyaga oo ku dhawaaqaya ( Maanta cid ina ka adkaankartaa ma jirto), kadib dagaalo kharaar oo si xoogleh loogu hoobtey waxay  noqotey in madaxdii islaamiyiintu ay waddanka isaga baxaan dibad wareegna noqdaan intii ka soo harteyna Jubada Hoose isku urursadeen.
Nin Carab ahaa oo u dhashey dalka Kuweyt isla markaasna ahaa Mufakir Islaami ah ayaa hadda kahor waxa uu igu yiri, Dawladda Maraykanku haddii meel dhib ka taagan tahay waxa ay isku daydaa dhibta halkaas ka taagan hogaan ayey leedahay in ay hogaankaas hesho markii ay hesho hogaanka, haddii aysan dooneyn in ay wax ka qabato waxa ay ka dhigtaa sida filmaanta musalsalka la yiraahdo, hadaba tii ayey noqotey oo Islaamiyiintii dib ayey hub iyo saanad u heleen una soo laba kacleeyeen.
Shariif Axmed iyo xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, oo inta badan xukuumadaasi ay yihiin Mucaaradkii dawladdii hore waxa ay qarka u saran yihiin Seefta Al-shabaab iyo Xassan Dahir Aways, waxa ay dirsadeen qaylodhaan in wadamada derisku ka soo gaaraan, 4 wadan ayey u qaylo dhaansadeen Jabuuti, Kenya, Yaman iyo Itoobiya, sadexda kale waa iska adagtahay in ay ka jawaabaan qaylo dhaantaas ee waxa loo goleeyahay waa nimanka isu yaqaan Libaaxyadii Afrika.
Hadaba Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo maray mucaaradnimo runtii aanu fileyn sida wax u dhacayaan in ay u dhacayaan taas oo waxba aanu la harin waxabadana waa duuban yihiin mase aha wax lagula yaabayo qofku haddii uu mucaarad yahay waa mucaarad waxkasta iyo jinikasta oo aad la timaado waa mucaaradayaa, haddii qofku khibrad ku filan leeyahay mucaaradnimadiisa waa xikmadayn karaa, laakiin wixii uu ahaa anigu kula yaabi maayo  oo waa debciga mucaaradnimo.
Dalabka  uu dalbaday ciidan shisheeye waxaa durba soo dhaweeyay Soomaali aad u faro badan waxaa soo dhaweeyay kuwii shalay xabbadda ku ridaayey Itoobiya, midkasta waxa uu ku leeyahay sababta Al-shabaab ayaa iska leh iyo Aways, sababtu maxay tahay? maxaa Itoobiya shalay Maraykanku ulahaa haka baxeen Soomaaliya oo maanta dib loogu soo celinayaa?.
Shalay markii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf dad badan waxaa lagu dagaal geliyey Aargoosi ayuu wadaa, caadifad iyo ciilqab hore ayaa lagu awrkiciyey in badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, waxa ay biyaha la daba jogeen wiilasha Al-shabaab, waxa ay ku tilmaameen Muqaawamo, waxa ay ku qariyeen guryahooda, dibad iyo gudo waxaa la iska aruuriyey dhaqaale madaxa ayaa Al-shabaab la saarsadey iyo Aways kooxdiisa, hadaba waddamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ogaadeen inaadan weli bisleyn diyaarna u ahayn in wadamo shisheeye soo faro geliyaan Soomaaliya ama xal ha u wadeen ama haku xalaalaysteen.
Waxaa reer Muqdisho loo geeyay mid ay haybta guud wadaagaan, dhanka diintana ku wanaagsan,  si madax adaygu kaaga baxo waxaa la isu soofeystey mindiyihii waxaa qaxay dad aan weligood barakicin, waxay gaartey heer mu’adinka lagu gawraco isaga oo qubiga saaran, qarax lagu baabi’iyo beel dhan waxgaradkeed magac jihaad, ragii shalay halka saf ahaa dagaalkoodu uu noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, Alshabaab waxa ay si cad ugu sheegeen reer Muqidsho  in aysan garanayn wax Hawiye la yiraahdo ee Hubka ay iska tiriyaan, Ciidamo xoogan oo ka yimid ilaa Raaskaanbooni oo Muqdisho gaafwareegaya, saraakiil Ajaanib ah oo kor u dhaafaya boqolaal tan  ayaa maanta ku xanbaartey in loo yeerto  waxkasta oo Al-shaabaab umadda ka qaban kara, isla markaasna reer Muqdisho aysan dib ugu laaban wixii ay sameyn jireen.
Xassan Daahir oo qayb weyn ka ah dagaalada ka holcaya Soomaaliya, waa nin damac kursi hayo muddo dheer ku soo taamaayey, maalinba maalinta ka danbeysa waxa uu la soo baxayaa weji cusub, sida laga war qabo Shiikh Aways, waa nin xifdisan Qur’aanka waxa uu bartey Qaybaha kala duwan ee qiraa’aatka quraanka Kariimka ah, ma ahan nin faqiih ah ama samayn kara ijtihaad, waxaa soo saarey oo magciisa kor u soo qaadey Ururkii Itaxaad Al-Islaami, maantey hal nin oo ka mid ah culimadii Itaxaadka ma wada socdaan waxaa la socda caruur yar yar oo diinta looga bilaabo Jihaad ayaa jira, iyo Gumeysi ayaan ku jirnaa, wuxuu doonaba ha ahaadee maanta waxaa wax walba ugala weyn sidii uu mar ku gaari lahaa Kursiga Soomaaliya, haddii malaayiin qof u dhimanaysona makala jecla.
Asbuucii la soo dhaafey Shiikh Aways waxa uu marti u ahaa Warbaahinta Horn Afrik dadku waxa ay soo weydiinayeen su’aalo mid kamid ah Al-shabaab ayaa su’aal weydiiyey ahayd,  waxaad leedahay hadalo is iska soo horjeeda , sow uma muuqato in Anaga (Al-shabaab) iyo adiga aan kama danbeysta isku arkeyno!!  Xassan oo ka jawaabaya su’aashaas waxa uu yiri waa la yiraahdaa sidaas waana dhici kartaa,
Waana midda keenta in aysan lahayn hal magac iyo hal maamul ee ay ku hawlagaal oo keliya aan afganbino Shariifka Marka hore.
Haddii shacabka Soomaaliyeed ay nasiib lee yihiin waxay ka bad baadayaan in ay isu soo haraan Shiikh Xassan Daahir iyo Al-shabaab, waxaana muhim ah in loo wada guntado  sidii aysan meesha uga saari lahayn Dawladda hadda jirta.
Maamulka Puntland iyo Dagaalada Socda
Dawladii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdullaahi Yusuf maamulkii Puntland waxa uu siiyey gacan weyn, Ciidanka DGPL  u dirtey koonfurta Soomaaliya waxa ay gaarayeen 3000 oo nin kuwaas oo Puntland hubeysay, waxaa sidoo kale Dawladdaas ay Puntland ka heli jirtey dhaqaale joogta ah, taas oo gaaraysey Balaayin Shilin, Dagaalkii lagu qaadey Maxaakiimtii weerarka ku ahayd dalka oo dhan Puntland waa ka qaybqaadatay, weliba ciidankeedu waxa uu gaaray ilaa Hiiraan iyaga oo is garabsanaaya kuwa Cabdi qaybdiid iyo Itoobiya.
Inkasta oo Puntland ku dulmantahay maamulka cusub marka la eego baarlamaanka tirada badan oo xubinhii u danbeeyay Shariifku soo xushay, hadana waxay ku leeyihiin xubno muhim ah, su’aasha is weydiinta mudan waa maxaa la gudboon Puntland?
Waxaa cad haddii Dawladda meesha laga saaro in Kooxaha Xagjirka ah ay Puntland u noqoneyso Kaluunka u weyn ee u soo haray, sida ay Puntland tahay hadda waa adagtahay in ay ka hortagto khatarta ku soo fool leh, waxaa la gudboon in ay cayaarto door siyaasadeed oo sida kiniiniga kharaar ee madax  xanuunka loo cuno ah, haddii aysan  hadda gacan siin Dawladda Federaalka,  guryahooda ayaaa loogu tegi, haddii aad heli karto cadow aad ogtahay inaanu kaa  joogsanayn maxaa kuu diidaya in aad ugu tagto meeshooda halkaasna aad isaga baajiso khatartooda.
Markii ay maxkamaduhu fadhiyeen Bandiiradley  wiilasha yar yar ee reer Puntland ay maalinkasta u tahriibayeen Bandiiradley waxaan joogey Gaalkacyo, Axmed Adan Carab oo ahaa Wasiir ku xigeen Puntland ka tirsan  oo markaas aan Gaalkacyo wada joogney ayaa waxaa la soo hadley Masuul kale oo ka tirsanaa maamulka Somaliland oo ay qaraabo ahaayeen, waxa uu u sheegay in shirkii u danbeeyay ee Golaha Wasiirada Somaliland looga dooday in lala hadlo Xukuumadda Puntland isla markaana loo diro jiida hore ee Gaalkacyo ciidan halkaas kula dagaalama Maxaakiimta, arintaas waxa ay ku macneeyeen haddii Puntland ay soo jiiraan inaga ayaa ku xigna, waa siyaasad wanaagsan oo ka soo baxdey qof ka fekeri kara beri waxa dhacaya.
Nin baa lagu yiri war waxaas eeg markaas buu yiri waxakana,  Shacabka Puntland meel ha iska dhigaan hadalada ah wixii shalay lagu diidey Cabdullaahi ayaa maanta socda nabsigii ayaa meesha yimid, maantey waa in lagu baraarugsanaadaa waxa imaan kara, maxaa ka imaan kara hadii Dawladdu meesha ka baxdo?, waa mid cad haddii Dawladda Federaalka jirto Puntland waa jireysaa, haddii kale ha  u diyaar garoobeen dagaal ay la galaan raga sheeganaya diin ayaan wax ku xukumaynaa, iyaga oo meel ay diin Islaam ku soo barteen aysan jirin, ogow ma ku dagaal galayaan fikir beeleed, haddii ay yimaadaan Bandiiradley in badan oo idinka mid ah lacag ayey ku duufsanayaan, inta aan caqliga lahayna maskaxda ayey ka xadayaan.
Waxaan ku soo afajarayaa faaladan qayb ka mid  ah gabaygii Ciraab Gabay ee Cismaan Yusuf kenadiid:
Wadaaddadana gabal baa casiley cimiladii diine
Carradii wareershiyo dadkii caamada ahaaye
Waxaa calanka qaarkood u luli cood ku soo badiye
Iyaba Caynaddii lagu ogaa lagala caal waaye
Waa calaamo aakhirusmaan camalka joogaaye

More entries: siyaasada soomaaliya

View all entries >

Info

34

Male


Location

Somalia

Work

joolaal

Education

student

Study

College

hoyga hamar

Education

student

English Study

Somalia

college

Intermediate

Interests

i like to be famouse and aget agood girl who make every think i like

ilike watching tv after dinner play football and eating fast food in my free time

i don,t like apeople who are going to be presidents

blue

meat

water melon

i like aslow music like grian david musics

ilike action films in the hollwood like jet lee

: ebaby hi5 tagged and youtobe